Isku xirrada

Wiilka Bin Laden oo Liiska Argagixisada lagu Daray


Dowladda Maryakanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wiil uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qaacida Osmana Bin.

Hamza Bin laden oo dhowr iyo labaatan jir ah ayaa la sheegay inuu wixii ka danbeeyey dhimashada aabihii aabihii uu noqday xubin ka tirsan al-Qaacida.

Wasaaradda arrmiaha dibedda ayaa Hamza ku dartay liiska kooxaha argagixisada, waxayna taasi ka dhigan tahay in qof Maraykan ah ay mamnuuc ka tahay inuu wax ganacsi ah la yeesho wiilkaasi.

Hamza ayaa ku si rasmi ah ugu biiray ururka al-Qaaida 2015, isagoo soo saaray war-saxaafadeed uu ku boorinayo weerarro mustaqbalka lagu qaado Maraykanka, sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu dhimashadii aabihiis uu u aargudi doono.

XS
SM
MD
LG