Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciraq: 6,878 Qof oo Shacab ah oo la Dilay 2016


Iraq

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii sheegtay in argagixisada iyo ficillada kale ee rabshado ee dalka Ciraq ay sanaddii 2016 dileen 6,878 qof oo shacab ah, islamarkaana dhaawaceen 12,388 kale.

Hase yeeshee tirada ayaa intaas ka badnaan karta sababta oo ah laguma darin dadka shacabka ah ee lagu dilay ama lagu dhaawacay gobolka Galbeed ee Anbar, bilihii May, July, August iyo December.

Xafiiska howlgalka QM ee caawinta Ciraq ee UNAMI ayaa sheegay in tiradan ay tahay tan ugu yar ee la qiyaasay.

QM waxa ay sheegtay in waxyeelada dadka shacabka ah ee bishii December ay yareyd marka lala meel dhigo bilihii ka horreeyey, inkasta oo ay jireen in weerarada argagixiso ee lala beegsanayo shacabka ay kordheen dhammaadii December.

“Waxaa jira isku day aan shaki ku jirin oo Daacish ay ku dooneyso inay dareenka uga weeciso guuldarrooyinka ka soo gaaraya magaalooyin ay Mosul ka mid tahay, nasiib darro waxaa qiimahaas bixinaya shacabka” waxaa sidaas yiri ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud QM ee Ciraq Jan Kubis.

UNAMI ayaa ku warrantay in 7,512 qof oo rayid ah lagu dilay Ciraq sanaddii 2015.

XS
SM
MD
LG