Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Ciraq oo 37 Qof lagu Dilay


Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku geeriyootay 25 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki qof ismiidaamiyey uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey maanta ku qarxiyey suuq mashquul ah oo ku yaala magaalada Baghdad.

Qaraxa ayaa lala beegsaday suuq qudaarta lagu iibiyo oo ku yaalla degmada Sadr ee bariga magaalada Baghdad oo ah degmo ay ku badan yihiin dadka shiicada ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay ay intooda badani ahaayeen dad usoo shaqo tagay suuqa.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan booliska dalka Ciraaq ayaa ku geeriyooday weerar uu qof ismiidaamiyey ku qaaday bar koontarool oo ay ciidamada ku leeyihiin koofurta Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka oo uu geystay nin waday baabuur ay ka buxeen walxaha qarxo uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Qaadisiya oo 180 km dhinaca koofureed kaga beegan magaalada Baghdad.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq Sacad Maan ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay kusii jeedeen magaalada Najaf ka hor inta aysan isku qarxin barta koontarool.

Najaf ayaa lagu sheegaa in ay tahay caasimadda dhinaca diinta ee dalka Ciraaq oo ah dal ay dadkiisu u badan yihiin muslimiinta shiicada.

XS
SM
MD
LG