Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Istanbul oo Markale La Weeraray


Police secure area near an Istanbul nightclub, Jan. 1, 2017.
Police secure area near an Istanbul nightclub, Jan. 1, 2017.

Ugu yaraan 39 ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki dabley hubeysani ay xalay weerartay goob lagu caweeyo oo kutaala xaafada Orta-kooy degmada Beshiktash ee magaalad Istanbul.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in 16 ka mid ah dadka ku dhintay weerara ay ahaayeen ajnabi. Sidoo kale waxaa dadka dhintay waxaa ku jira shan qofood oo Turkish ah oo uu ku jiro nin boolis, iyo sideed ruux oo aanan wali la aqoosan.

Weerarka oo uu geystay nin hubeysan ayaa lala beegsaday dad u daabldagayey sanadka cusub oo ku sugnaa deegaanka caanka ku ah caweyska ee Orta-Kooy ee degmada Beshiktash.

Gudoomiyaha Gobolka Istanbul Wasib Shaahin ayaa ku tilmaamay weerarka mid argagixiso.

Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG