Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Amaanka oo Ayiday Xabad-joojinta Suuriya

New Zealand's U.N. Ambassador Gerard van Bohemen, left, and Russia's ambassador to the U.N., Vitaly Churkin, raise their hands as they join other members of the Security Council at the United Nations headquarters in passing a resolution supporting efforts

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ayyiday xabad joojinti ay Dowladaha Ruushka iyo Turkiga kasoo shaqeeyeen oo Jimcihi ka dhaqan gashay dalka Suuriya.

Laakin waraka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in xabad joojintani ay khatar ugu jirto inay bur burto kadib marki ay labada dhinac Sabtidi is weydaarsadeen madaafiic.

Mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Dowlada Suuriya iyo kuwa Ruushka ay duqeymo is xig xigay ka geysteen xaafado iyo tuulooyin ku yaala waqooyigalbeed ee magaalada Dimishiq.

Meelaha ugu darnaa ee la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Dooxada Barada oo ah deegaan istaraatiiji ah, balse lama soo sheegin wax qasaara ah oo kasoo gaaray dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG