Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad La Xiriirta Afgambigii Turkiga oo Billaabatay


Madaxweyne Erdogan
Madaxweyne Erdogan

Turkey ayaa billowday maxkamadeynta 29 sarkaal oo boolis ah kuwaas oo lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July, kaasi oo horseeeday dhimashada 270 qof.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in kuwa maanta lagu maxkamadeynayo Istanbul ay uga qeyb galeen shirqoolka ayaga oo aaan fulin waajibkoodii ahaa inay difaacaan dhismaha uu degenaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

21 ka mid ah saraakiisha ayaa wajahaya xabsi daa’in haddii lagu helo dambiga ah inay isku dayeen inay afgambiyaan dowladda, halka inta kale ay wajahayaan xabsi gaarayaa illaa 15 sano.

Turkey ayaa afgambigaas ku eedeysay inuu ka dambeeyey wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Hase yeeshee Gulen waa uu beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa.

Tan iyo wixii ka dambeyeey isku dayga afgambi, dowladda Turkiga ayaa xirtay in ka badan 40,000 oo qof, halka dad kor u dhaafaya 100,000 oo qof oo shaqaale dowladeed ahaa laga ceyriyey shaqooyinkooda.

XS
SM
MD
LG