Isku xirrada

Diyaarad Laga Leeyahay Libya oo la Afduubtay


Diyaarad laga leeyahay dalka Libya oo la afduubtay ayaa cago dhigatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla jasiiradda yar ee badda Mediterranean-ka ee Malta.

Wakaaladda wararka AP ayaa ku warrantay inay u muuqato in laba qof oo afduubayaal ah ay saaran yihiin diyaradda.

Saraakiisha dalka Malta ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg degga ah loo diray garoonka.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha dowladda Libya ee Afriqiyah Airways ayaa ku guda jirtay socdaal ay uga tagtay magaalada Sabha kuna socotay magaalada Tripoli ee dalkaas, markii la afduubtay ayada oo ay saaran yihiin 118 qof.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay afduubka iyo waxa ay dalbanayaan intaba, haddiiba ay dalab sameeyeen.

XS
SM
MD
LG