Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jammeh: Allah Kaliya ayaa iga Qaadi Kara Guusha


Yahya Jammeh
Yahya Jammeh

Hoggaamiyaha muddada fog talada haya ee dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa sheegay in “Allaha weyn” kaliya uu ka qaadi karo guusha, asaga oo isku dayaya inuu waxba kama jiraan kasoo qaado natiijada doorashadii madaxweyne ee dalkaas.

“Ima cabsi gelin doonto awood kasta oo dunidan taalla, waxaan doonayaa inaan xaqiijiyo in caddaalad la sameeyey, waxaan ahay nin nabadeed hase yeeshee ma noqon karo fuley. Xuquuqdeyda laguma xadgudbi karo, la igumana cabsi gelin karo inaan u hoggaansamo kuwa I qasbaya, weligey taas ma sameyn doono”.

Hoggaamiyaha mucaaradka Adama Barrow ayaa Jammeh kaga adkaaday doorashadii madaxweyne ee dhacday kowdii bishan December.

Jammeh ayaa markii hore si wanaagsan u ogolaaday in laga adkaaday, hase yeeshee waxa uu iminka ku doodayaa in wax is daba marin ay ka dhacday doorashada, waxuuna ka dlabaday maxkamadda sare ee dalkaas inay beddesho natiijada doorashada.

Golaha Ammaanka ee QM, Midowga Afrika, iyo Midowga Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, ayaa dhammaantood ugu baaqay Jammeh inuu aqbalo in laga adkaaday, kuna wareejiyo xukunka Barrow.

XS
SM
MD
LG