Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Berlin: Gaari la Jiirsiiyay Dad Dukaameysanayay


Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, waxa fiidkii Isniintii ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada, kaas oo dad ka dukaameysanayay goob ku taalla magaaladaasi la jiirsiiyay.

Ugu yaraan 12 ruux, ayay sheegeen ciidamada boolisku inay dhinteen, ayna sidoo kale dhaawacmeen 48 kale, iyadoo qofkii waday gaarigana la sheegey in uu ahaa nin u dhashay dalka Polland.

Haddaba, Jamaal Axmed Cismaan, ayaa qadka telefoonka ee Jarmalka kula xiriirey Tahliil Colaad Xasan, oo ah wariye deggan waddankaasi, waxana uu weydiyay sida ay waxu dhaceen.

Dhageyso Weerarkii Berlin
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG