Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Si Rasmi ah Maanta Loogu Codeynayo


 President-elect Donald Trump speaks during a rally at the Giant Center, Dec. 15, 2016, in Hershey, Pa.
President-elect Donald Trump speaks during a rally at the Giant Center, Dec. 15, 2016, in Hershey, Pa.

Ergo codeedka gobollada Mareykanka ee loo yaqaano Electoral College ayaa maanta lagu wadaa in ay si rasmi ah ugu codeeyaan qofka noqonaya madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in ergada ay xaqiijin donaan in Donald Trump uu yahay madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, maadaama uu ku guuleystay gobollo codadkooda ay ka badan yihiin 270-ka uu u baahan yahay.

Shacabka Mareykanka ayaa bishi November u doortay Donald Trump inuu noqdo madaxweynaha, kadib marki uu doorashada uga badiyey Hillary Clinton, balse ergooyinka gobollada oo leh go’aanka ugu danbeeya ayaa codbin ay maanta gelin doonaan doorashada ku kala saari doona cida uu noqon doonta madaxweynaha.

Codeynta ayaa ka dhici doonta dhammaan 50-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalka Mareykanka iyo magaalada Washington DC, Waxaana codadka bixin doona ilaa iyo 538 qof.

Trump waxa uu u baahan yahay codadka 270 ka mid ah.

XS
SM
MD
LG