Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daadgureynta Shacabka Xalab oo la Hakiyey


Daadgureynta shacabka magaalada Xalab ee dalka Syria ayaa la hakiyey, taasi oo macnaheedu yahay in kumanaan qof ay weli ku xaniban yihiin gudaha magaalada.

Qaraxyo ayaa maanta laga maqlay meel u dhow halkii ay ku sugnaayeen kolonyo babauur ah oo shacabka ka daadgureynaya magaalada.

Warbaahinta dowladda Syria ayaa sheegtay in mucaardaka ay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay la galeen dowladda.

Goor sii horeysay, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisa uu dowladda Turkiga kala shaqeynayo in la billaabo wareeg cusub oo wada-hadallo nabadeed ah oo ku saabsan arrimaha Syria, ayada oo ujeedkuna yahay xabad joojin dalka oo idil ka dhaqan gasha.

Isaga oo ka hadlayey dalka Japan oo uu booqasho ku joogo ayuu Putin sheegay in isaga iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay soo jeedinayaan wada-hadallo dhex mara dowladda iyo mucaaradka Syria, kuwaas oo ka dhaca caasimadda dalka Kazakhstan ee Astana.

Illaa iyo hadda ma cadda goorta dib loo billaabi doono in shacabka laga soo saaro magaaladaas.

XS
SM
MD
LG