Isku xirrada

Qiimaha Saliida oo Mar Kale Hoos u Dhacay


Qiimaha Saliida ayaa mar kale hoos u dhacaya kadib markii dhowaan sare u kac uu ku yimid markaasi oo uu gaaray 56 dollar halkii barmiil, qiimihii ugu sarreeyey muddo 18 bilood ah.

Qiimaha saliidda ceeriin ayaa sare u kacay kadib markii ururka dalalka shidaalka dhoofiya ee OPEC uu gaaray heshiis lagu dhimayo wax soo saarka saliida si wax looga qabto saliida ka tirada badatay suuqyda.

Qiimaha ayaa hoos u dhacay arbacadii markii ay soo baxeen warar sheegaya inay badatay saliida ceeriin ee taalla Mareykanka.

Xoghayaha guud ee OPEC Mohammad Barkindo ayaa VOA u sheegay in dalalka xubnaha ka ah OPEC iyo kuwa aan xubnaha ka ahaynba ay la tacaalayeen qiima dhaca ku yimid saliidda, sanadihii dhowaa.

“Qiimaha ayaa hoos u dhacay 80%. Shirkadaha ayaa taas darteed guul darreystay. Maal gashiga saliida ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah liita” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in tani aysan dhaawaceyn oo kaliya dalalka saliida soo saara balse ay sidoo kale halis ku tahay bulshada caalamka oo idil.

XS
SM
MD
LG