Isku xirrada

Koonfur Afrika: Soomaali Nolosha Lagu Gubay


Soomaali ku hor banaanbaxaysa Baarlamaanka Koonfur Afrika (Sawir hore)

Laba qof oo Soomaali ah ayaa nolosha lagu gubay saq-dhexe xaley oo Isniin aheyd, magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Africa, sida ay ehalladooda u sheegeen VOA.

Labadan qof ee gubay, ayaa waxaa goobtooda ganacsi ugu soo galay rag kadibna gaas ku gubay. Labada ruux ee la diley ayaa ahaa dad ehel oo lahaa goobta ganacsiga ah ee lagu soo weeraray.

Si taasi la mid ah Soomaalidii deegaankaasi oo uga shakiyey inay waxyeelo gaarsiiyeen raggaan rag kale oo dukaan ku dhegan lahaa, kana soo jeedo dalka Zimbabwe ayaa iyaguna weerar lagu qaadey oo midkood la diley, halka kuwa kalena ay booliisku badbaadiyeen oo ay gacanta ku ahyaan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa hadddaba khadka telefoonka kula xariirtey Macalin Cabdi Qadir Abdi Bucul oo ay ehelo dhowyihiin raggan la weeraray xaley, kuna sugay magaalada Pretoria.

XS
SM
MD
LG