Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China oo Walaac ka Muujisay Hadalka Trump


Dowladda China ayaa maanta sheegtay in “Walaac dhab ah” ay ka qabto hadal kasoo yeeray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo su’aal ka keenay in Mareykanka uu sii wado siyaasadiisa “Hal China” illaa dowladda China ay ka sameyso tanaasullo ganacsi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa sheegay in siyaasaddaas, oo sheegeysa in Taiwan ay qeyb ka tahay China, ay saldhig u tahay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay maamulka Trump in “Fahmo halista” arrintan.

Wargeyska dowladda China ay maamuso ee Global Times ayaa sheegay in Trump uu yahay qof “aan xikmad lahayn” haddii uu ka fekerayo in siyaasadda Taiwan uu adeegsan karo inuu China ku qasbo wada-xaajoodyo ganacsi, loogana baahan yahay inuu fahmo siyaasadda arrimaha dibedda.

China waxa ay sidoo kale soo jeedisay in haddii Trump uu taageero madax banaanida Taiwan ama uu hub ka iibiyo, in China aysan Washington kula saaxiibi doonin arrimaha caalamiga ah, ayna taageero milatari u yaboohi doonto kuwa Mareykanka kasoo horjeeda.

XS
SM
MD
LG