Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka K/Koonfureed oo Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha


Golaha Qaranka Korea-da Koonfureed ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaas Park Geun-hye.

Ayada oo ay codeeyeen in ka badan 234 ka mid ah 300 ee uu ka kooban yahay baarlamanka, ayaa waxaa tallaabadan ogolaaday in ka badan laba meelood saddex meel, oo loo baahnaa.

Fashilka deg degga iyo yaabka lahaa ee ku yimid madaxtinimadii Park ayaa waxaa sababay fadeexad cusub oo dhowaan soo baxday oo la xiriirta in madaxweynaha ay adeegsatay haweeney ay saaxiibo yihiin, kuna xadgudbeen hantidii qaranka.

Kadib markii codbixinta ay dhacday ayaa guddoomiyaha baarlamanka Chung Se-kyun waxa uu ku baaqay in laga soo kabto kala qeybsanaanta siyaasadeed ee curyaamisay dowladda.

Madaxweyne Park ayaa waxaa dhaawac gaarsiiyey markii ay soo baxday in saaxiibteeda muddada fog Choi Soon-sil ay ka faa’iideysatay xiriirkooda.

Eedeymaha waxaa ka mid ah 65 milyan oo dollar oo loogu deeqay hay’ado gargaar oo been abuur ah iyo qandaraasyo dhowr ah oo la siiyey Choi Soon-sil, taasi oo ay ka faa’iidayaan ayada iyo madaxweyne Park.

XS
SM
MD
LG