Isku xirrada

War Deg-Deg ah

In ku Dhow 100 oo ku Dhimatay Dhulgariir ka Dhacay Indonesia


Tirada dhimashada dhulgariir xooggan oo aroornimadii arbacada ku dhuftay dalka Indonesia ayaa sare usii kaceysa.

Saraakiil Indonesian ah ayaa sheegay in ugu yaraan 97 qof ay ku dhinteenboqolaal kalena ay ku dhaawacmeen Pidie Jaya, oo ah degmada ugu dhow halka xudunta u ah dhulgariirka, ee Jasiiradda Waqooyi ee Sumatra.

Magaalada Meureudu ayaa ka mid ahayd meelaha uu sida xun ugu dhufrtay dhulgariirka.

Dhulgariirka ayaa sidoo kale burburiyey dhismayaal tiro badan oo ay ku jiraan masjidyo, bakhaaro iyo guryo.

Shaqaalaha gargaarka, oo qaarkood isticmaalaya qalab aad u culus ayaa burburka dhismayaasha ka baadi goobaya dadka.

Dalka Indonesia ayaa dunida kaga yaal meel aad ugu baylahan dhulgariiryada. Dhulgariir sanaddii 2004 ka dhacay jasiiradda Sumatra ayaa dhaliyey Tsunami ay ku dhinteen 230,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG