Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Magacaabaya Xoghayaha Difaaca


Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhowaaqo xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka, marka uu booqdo gobolka North Carolina.

Ninka Trump uu jagadan u doortay ayaa ah Jeneraal-ka howlgabka ka noqday ciidamada Marines-ka Mareykanka ee James Mattis, oo loo yaqaan “Mad Dog” ama “Eyga Carreysan”.

Mattis ayaa horey usoo noqday taliyaha taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee qaabilsan howlgallada Bariga Dhexe iyo taliyaha ciidamada isbaheysiga NATO.

Dagaalkiisa ka dhanka ah ciidamada cadowga ee dalalka Iraq iyo Afghanistan ayuu ku muteystay naaneysta “Eyga Carreysan”, taasi oo ah xushmad ay u muujiyeen kuwa milatariga kula jira.

Ka hor inta uusan xilka qabin, waa in Congress-ka Mareykanka uu ka reebaa sharciga diidaya in Jeneraalada ciidamada ay noqdaan xoghayaha gaashaandhigga ka hor inta aysan ciidamada howl gab ka noqon 7 sano.

Mattis ayaa shaqada ciidanka iminka moog kaliya saddex sano.

XS
SM
MD
LG