Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdirisaaq Cali Cartan oo Lagu Aasay Columbus


Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerarkii Isniintii ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ayaa shalay lagu aasay magaalada Columbus.

Qoyskiisa ayaan weli la hadlin saxaafadda iyaga oo sheegay inay ka war sugayaan baadhitanaka ay booliisku wadaan.

Hay’adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in weerarkaas uu lahaa calaamadaha weerar argagixiso.

Ururka Daacish ayaa sheegtay in qofka weerarka gaystay uu ahaa “askari iyaga ka tirsan” sida hadalka loo dhigay.

Magaalada Columbus waxaa ku sugan weriyahayaga Maxamed Colaad Xasan, waxaana uu weriyahayaga Nuur Bukhaari uu uga warramay jawiga magaalada.

Cabdirisaaq Cali Cartan oo la aasay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00

XS
SM
MD
LG