Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad oo Diiday in la Ciqaabo Dadka Guba Calanka


Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa diiday soo jeedinta ka timid madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee ahayd in la ciqaabo dadka guba calanka Mareykanka.

Donald Trump ayaa talaadadii bartiisa twitter-ka soo dhigay “Cidna ma ahan in loo ogolaado inay gubto calanka Mareykanka – Haddii sidaas ay sameeyaan waa inay jirtaa ciqaab, sida in muwaadannimada laga qaado ama sanad xabsiga la dhigo”

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Josh Earnest ayaa talaadadii sheegay in dastuurka lagu ilaaliyey xuquuqda dadka Mareykanka ay u leeyihiin inay dareenkooda ku muujiyaan si kasta oo ay doonaan.

“Xoriyado badan oo la mid ah lana xiriira ku dhaqanka diinta, hadalka iyo saxaafadda ayaa dhammaantood lagu ilaaliyey dastuurka, waana kuwa mudan in la ilaaliyo” ayuu yiri.

Weli ma cadda sababta Trump uu ugu baaqay in dadka guba calanka la ciqaabo.

Sanadii 1989-kii, maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in calanka oo la gubo lagu ogolaaday dastuurka Mareykanka ayna qeyb ka tahay xoriyadda hadalka.

XS
SM
MD
LG