Wararka ka imanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta magaalada Boosaso ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday ciidamada badda ee Puntland.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu beegsaday baabuur ay ciidankaasi la socdeen, waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen laba askari, 12 kalena ay ku dhaawacmeen.
Buuralayada Galgala ayey ku dagaalamaan ciidamada amniga ee Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Hawlgallo milatari oo sannadkii hore ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa goobo ka mid ah buurakayda Galgala looga qabsaday maleeshiyada Al-Shabaab
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhinaca kale ciidamada Puntland ay kusii siqayaan magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen maleeshiyada taanbacsan Daacish.