Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Afrika: Castro Wax Badan Ayuu Ku Leeyahay Afrika


Guddoomiye ku xigeenka guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in taariikhda casriga ah ee Afrika ay wax badan ku lee yihiin Cuba iyo hoggaamiyaheedii geeriyooday ee Fidel Castro.

Erastus Mwencha ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha Castro ee Africa ay billaabatay waqti qaaradda ay lahayd saaxiibo aad u kooban.

Waxa uu yiri in marka ay timaado Africa, Fidel Catsro uu ahaa nin ku dhaqmi jiray wixii uu dadka kale u sheegi jiray.

“Sida aad ogtahay, ma qori kartid taariikhda Aftika ama Cuba Catsro la’natiis, waxay ku billaabatay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo waxayna socotay illaa xoreynta South Afrika. Sidaa darteed Cuba waxay qaaradda siisay askar io kheyraad, waxayna wax walba u sameysay si ay uga caawiso inay xoriyad hesho” ayuu yiri.

Mwencha ayaa sheegay in Cuba iyo xukunkii Castro ay si wanaagsan ugu xirnyed horumarka Afrika.

XS
SM
MD
LG