Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kabul: 30 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Masjid


Mas’uuliyiinta dalka Afghanistan ayaa sheegay in qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid shiicada ay leeyihiin oo ku yaalla magaalada Kabul ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qofka is-qaxriyey ayaa soo galay masjidka Baqir ul Olum xilli ay ka socotay xaflad, islamarkaana dad badan ay ku jireen, kadibna waxa uu qarxiyey aalad uu xirnaa.

Jeneraal Faridoon Obaidi oo ah madaxa Waaxda Dambi baarista ee Kabul ayaa weriyayaasha u sheegay in qaraxa uu sidoo kale dhaawacay 85 qof. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayuu sheegay in kuligood ay ahaayeen shacab.

Madaxa sare ee howlfulinta Afghanistan Abdullah Abdullah ayaa cambaareeyey weerarka, isaga oo sheegay in lagu beegsaday “Dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan caruur, kuna sugnaa goob barakeysan”

Waxa uu yiri “Waa dambi dagaal iyo ficil ka dhan ah Islaamka”.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Afhayeen u hadlay ururka Daalibaan ayaa qoraal uu weriyayaasha u diray waxa uu ku sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn weerarka.

XS
SM
MD
LG