Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Qof Afaraad oo Xukun Lagu Riday


Nin Afraad ayaa magaalada Minneapolis loo xukumay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish.

Xaakimka ayaa ku xumay 15 sano oo xarig ah taasi oo ah intii ay dacwad-oogistu dalbatay in lagu xukumo.

Xamse Axmed oo asal ahaan kasoo jeeda qomwiyadda Oromada ayaa qirtay inuu galay dambiga ah inuu doonayey inuu taageero u fidiyo Daacish iyo inuu ku takrifalay dhaqaalihii dawladdu u siisay inuu wax ku barto.

Xamse waxa uu ka mid ahaa afar nin oo laga soo qabtay New York bishii November 2014-kii iyaga oo doonayey inay ka dhoofaan garoonka JFK kuna biiraan Daacish.

Waxa uu caan ku ahaa inuu farriimaha ku diro twitter-ka gaar ahaan kuwo uu ku sheegayo inuu ku dhinto waddaankaasi.

XS
SM
MD
LG