Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Mareykanka oo Madaxweyne Cusub Dooranaya


Trump Clinton
Trump Clinton

Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga iyo Donald Trump oo xisbiga jamhuuriga ah ayaa ku loolamaya doorashada maanta.

Clinton ayaa doorashada maanta ugu yeertay “Tijaabada waqtigeena”, halka Trump uu shaaca ka qaaday “Maanta waa maalinta xorriyadeena”.

Labada musharax ayaa hadalladooda ugu dambeeyey ee ololaha doorasho jeediyeey saacadihii ugu horreeyey ee maanta oo talaado ah.

Magaaladii ugu horreysay ee natiijada codbixinta ay kasoo baxdo oo ah Dixville Notch oo ka tirsan gobolka New Hampshire ayaa waxaa ku guuleystay Hillary Clinton oo heshay afar cod, halka Trump uu ka helay laba cod. Magaaladanayaa waxaa ku nool sideed qof kaliya.

Natiijada rasmiga ah ee codbixinta gobol kasta laguma dhawaaqi doono illaa dhammaan goobaha codbixinta ay kasoo xirmaan sideedda habeennimo, ayada oo gobollada bari ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya.

Hadalkeedii ugu dambeeyey oo ay ka jeedisay gobolka North Carolina ayaa Clinton waxa ay ku sheegtay inay dooneyso inay madaxweyne u noqoto qof kasta, kuwa u codeeyey iyo kuwa aan codka siin intaba.

Trump ayaa hadalkiisi ugu dambeeyey oo uu ka jeediyey gobolka Michigan waxa uu ku sheegay inuu doonayo in “isbeddel rasmi ah” uu dalka kusoo dabbaalo.

XS
SM
MD
LG