Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Sheegtay in 239 ay Badda ku Dhinteen


QM ayaa sheegtay in 239 muhaajiriin ah oo la rumaysan yahay inay ka yimaadeen galbeedka Africa ay ku dhinteen xeebaha Libya kadib markii laba doonyood oo ay la socdeen ay dageen.

Hay’adda muhaajiriinta QM ayaa sheegtay in koox muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 20 duymar ah iyo 6 caruur ah ay dooni yar ka raaceen xeebaha Libya Arbacadii, balse ay doonidaasi saacaddo kadib badda kula dagtay.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha gurmadka markii ay halkaasi gaareen, inta badan kooxdaasi ay baddu liqday, waxaana la helay maydka 12 qof, oo ay ku jiraan saddex caruur ah. 27 qof ayaa la sheegayaa inay shilkaasi ka bad-0baadeen.

Shil kalena, laba haween ah ayaa bad-baaday markii dooni ay iyaduna isla wakhtigaasi badda ku dagtay. Doonidaasi yar waxaa saarnaa 130 qof.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 4kun 220 qof ay sannadkan badda Mediterranean-ka ku dhinteen, iyadoo sannadkii horena ay isla baddaasi ku dhinteen 3777 qof.

XS
SM
MD
LG