Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Ciraaq oo Qabsaday Telefashinka Mosul


Iraqi special forces soldiers use radio communication as a tank rolls down an alley in the village of Bazwaya, some 8 kilometers from the center of Mosul, Iraq, Oct. 31, 2016.
Iraqi special forces soldiers use radio communication as a tank rolls down an alley in the village of Bazwaya, some 8 kilometers from the center of Mosul, Iraq, Oct. 31, 2016.

Ciidamada gaarka ah ee dalka Ciraaq ayaa la wareegay Talaadadii xarunta TV-ga Qaranka ee Magaalada Mosul, xilli ay xoogaga Isbaheysiga la ah Xukumada Baghdad ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.


Wariyaal Kurdish ah iyo kuwo ka socday warbaahinta caalamiga ah oo la socda dabbaabaadka ciidamada isbaheysiga ayaa sheegay in ay la kulmeen qaraxyo iyo miinooyin ay magaalada ku aaseen kooxda Daacish, taasoo gaabis ka dhigeyso in magaalada ay toos ugu gacan gasho Ciidamada Ciraaq.

Ciidamada Ciraq waxa kale oo ay sheegeen in ay ciidamo huwan ah ay magaalada kaga soo beeganyihiin dhanka waqooyi bari.

Wali waxaa magaalada ku sugan dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish, walina lama oga halka ay ku danbeyn doonto magaalada Mosul.

XS
SM
MD
LG