Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiyiinta oo Ka Walaacsan Go'aanka FBI-da


Xisbiga Dimoqraadiga dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay go,aanka Hey’ada Mukhaabaraadka Gudaha Mareykanka ee FBI-da ay dib ugu baareyso email-ada Hillary Clinton mid siyaasadeysan.

Hogaamiyaha Kooxda laga tirada badanyahay ee Golaha Sanetka Mareykanka Harry Reid ayaa Axadii sheegay in agaasimaha Hey’ada FBI-da James Comey jagada uu hayo u adeegsanayo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka taasoo buu yiri jabineysa sharciga.

Mr. Reid ayaa sidoo kale ku eedeeyey Comey inuu iska dhaga tirayo codsi loo diray oo ahaa inuu soo saaro xogta uu hayo ee ku saabsan arrinta Hillary Clinton. Senator Reid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu rumeysanyahay in FBI-du ay heyso xog ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya ololaha Donald Trump iyo Russia.

Agaasimaha FBI-da ayaa hadal uu soo saaray Jimcihii ku amray in la bilaabo baaritaan cusub oo lagu sameynayo email-lo gaar ah oo ay Hilary Clinton ka dirtay e-mail-keeda gaarka ah inti ay heysay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Go,aankaas ayaa kusoo aaday 11 maalmood ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka oo ay u taaganyihiin Donald Trump oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Hilary Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimoqraadiga.

XS
SM
MD
LG