Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry iyo Lavrov oo Ku Kulmaya Switzerland


SIRIA-DIPLOMACIA
SIRIA-DIPLOMACIA

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa Sabtida kula kulmi doona dalka Switzerland waziirka arrimaha dibada Ruushka Sergei Lavrov, si ay mar kale isugu dayaan in ay xal diblamaasiyadeed ugu helaan xaaladda cakiran ee Suuriya.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku sheegtay wadahadalada lagu wado in ay ka furmaan magaalada Lausanne mid qeyb ka ah dadaalo darafyo kala duwan leh, kadib marki uu Mareykanka dhawaan joojiyey wadahadaladi uu Ruushka kala lahaa xabad joojinta dagaalada Suuriya.

Waxaa kale oo lagu wadaa in John Kerry uu Axada kulamo ku saabsan colaada Suuriya kala yeesho saaxibada Mareykanka ee Gobolka iyo Bulshada Caalamka ee daneeya arrimaha Suuriya.


XS
SM
MD
LG