Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Donald Trum: Kama Harayo Doorashada


Musharraxa xilka madaxtinimo ee xisbiga Jamhruuriga dalka Maraykanka Doland Trump ayaa fariin uu boggiisa twitterka soo dhigay Sabtidii shalay ku sheegay in aanu marna tartanka doorasho ka hareynin.

Waxa uu sheegay in warbaahinta iyo dadka xisbgiisa salka u ahi ay isku dayayaan inay murashaxnimidiisa wiiqaan, ka dib markii lasoo badhigay video laga duubay sanadkii 2005tii, oo uu Mr. Trump uu bixinayo faallo aan habooneyn oo dumarka ku saabsan.

Ninkan maalqabeenka ah ayaa sheegay in video-gaan aadka loo baahay aanu wax kale ahayn ee uu yahay mid lagaga jeedinayo toddobaadyada kooban ee ololahiisa ka haray, ka hor doorashada bisha November dhacaysa. Waxa uu tilmaamay in doodiisa uu culeyska ku saari doono Hillary Clinton, oo uu ku doodi doono in odeygeed Bill uu dumarka ku sameeyo wax aad uga xun waxa isaga oo Trump ah uu sameeyey.

Trump iyo Clinton ayaa u ballansan in caawa ay iskaga hor yimaaddan dooddii labaad ee saddex doodood oo ay yeelanayaan ka hor doorashada bisha November.

XS
SM
MD
LG