Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da: Daahir Axmed Aadan Waa la Xagjireeyey


Saraakiisha hey’adda FBI-da Mareykanka in Daahir Axmed Aadan oo ahaa wiil Soomaali/Mareykan ah, oo dhowaan weerar toorey ka geystay Suuq ku yaalla magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota uu ahaa mid la xag jireeyey.

Duqa magaalda St. Cloud, Dave Kleis, Xeer ilaaliyaha magaalada Janelle Kendall iyo madaxa hey’adda FBI-da ee gobolka Rick Thornton ayaa shir jara’aaid goor dhow ku qabtay magaalada St. Cloud.

Saraakiishan ayaa sheegay in baaritaanka taleefanadii iyo qalabkii kale ee uu adeegsan jiray Daahir ay baarayaan. Laakiin ay u cuskanayaan in Aaden uu xag jir ahaa caddeymo ay hayaan oo ay ka mid yihiin in markii uu weerarka geysanayay uu dadkii suuqa ku sugnaa qaarkood uu weydiiyay inay Muslim ahaayeen iyo in kale.

Wiilkan oo 22 sano jir ahaa ayaa toorey ku dhaawacay ilaa iyo 10 qof intii uu socday weerarkan.

Dhinaca kale Saraakiishu waxey sheegeen in askarigii fasaxa ku jiray ee suuqaa ku dhex toogtay ninkii weerarka geystay aan wax dambi ah loo heysan, ka dib markii baaritaankii ay ku sameeyeen uu muujiyay inuu cudur daar u lahaa toogashada.

XS
SM
MD
LG