Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Cambaareeyey Ruushka


Obama
Obama

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa si adag u cambaareeyey weerarada arxan darrada ah ee dawladda Ruushka iyo xukuumadda Syria ka wadaan dhinaca bari ee magaalada Xalab halkaas oo rayid badan ay waxyeello ka soo gaadhay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Obama oo telefoon kula hadlay hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel, isla markaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in Ruushka iyo xukuumadda Syria inay qaadaan masuuliyad gaar ah, si loo joojiyo dagaalka isla markaana loogu ogolaado gargaarka bini’aadanimo inay gudbaan.

XS
SM
MD
LG