Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO: Dunida Waxaa Halis ku Haya Hawo Wasaqeysan


WHO
WHO

In ka badan 90 boqolkiiba dadka dunida ayaa waxaa saameeya hawo wasaqeysan, taasi oo hoggaamisa dhibaatooyin caafimaad oo tira badan, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday ururka caafimaadka adduunka ee WHO.

Warbixinta cusub ee WHO ayaa lagu sheegay in inta badan dhibaaatada ay ka taagan tahay magaalooyinka waa weyn, hase yeeshee waxaa yaab leh in hawada wasaqeysan ay sidoo kale aad u xun tahay magaalooyinka yaryar.

“Waa arrin dhammaanteed na walaac gelin karta” Waxaa sidaas tiri Maria Neira oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka dadweynaha iyo deegaanka ee WHO.

“Waa xaalaad caafimaad dadweyne oo deg deg, ficillo deg deg ah oo wax looga qabanayana a waa inay si deg deg ah u yimaadaan”.

Warbixinta Who ayaa lagu sheegay in 92 boqolkiiba dadka ay qaataan hawo wasaqeysan, taasi oo sanad kasta hoggaamisa dhimashada lix milyan oo qof.

Xogtan ayaa waxa laga soo ururiyey in ka badan 3,000 oo magaalo oo dunida ku yaalla.

XS
SM
MD
LG