Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Faahfaahin Laga Bixiyay Weerarkii Wiilka Soomaaliga


Guddoomiyaha gobalka Minnesota iyo duqa magaalda St. Cloud iyo taliyaha ciidanka booliiska oo shir jaarid oo wada jir ku qabtay xarunta mgaalada St Cloud ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka in midnimada la xoojiyo.

Arrintan ayaa ka dambeysay Kadib markii maalinkii Sabtidii uu wiil Soomaali-Mareykan ah oo magaciisa lagu sheegay sheegeen Daahir Aadan sagaal qof ku dhaawacay weerar mindi loo adeegsaday oo uu ku qaaday meel laga dukaameysto.

Duqa magaalda St. Cloud Dave Kalaays oo shirka Jaraaid furay ayaa sheegay in wixii ka danbeeyay weerarkii habeenkii sabtida ay balshada reer St. Cloud ku jireen xaalad adag ayna haatan isku dayayaan in ay noloshooda si caadi iskaga wataan.

Weriyaheena Maxamuud Mascadde ayaa warbixintan kasoo diray magaalada St. Cloud.

Dhageyso Shirka Jaraaid ee St Cloud
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00


XS
SM
MD
LG