Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ololaha Trump: Obama Wuxuu ku Dashay Mareykanka


Donald Trump
Donald Trump

Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump – ama ugu yaraan ololahiisa doorasho ayaa khamiistii sheegay inuu rumeysan yayah in madaxweyne Obama uu ku dhashay dalka Mareykanka, kadib sanado badan oo uu su’aalo ka keenay muwaadannimada madaxweynaha.

Ololaha Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku ammaanay Trump inuuu Obama ku qaasbay inuu soo bandhigo warqaddiisa dhalashada, si loo soo gaba gebeeyo arrin su’aalo la iska weydiinayey intii Obama uu ahaa madaxweynaha.

“Kadib markii Trump uu helay warqadda dhalasho ee madaxweyne Obama, waxa uu hadda rumeysan yahay in Obama uu ku dhashay Mareykanka” ayuu yiri Jason Miller oo ah afhayeenka Trump.

Goor sii horreysay ayaa musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton waxa ay Trump si aad ugu weerartay taageeradiisa waxa loogu yeeray “Dhaqaaqa Dhalashada” ee dadka rumeysan in Obama uusna ku dhalan Mareykanka.

Waxa ay tixraaceysay qoraal lagu daabacay wargeyska Washington Post oo Trump uu ku diiday inuu sheego inuu rumeysan yahay in Obama uu ku dhashay Mareykanka.

XS
SM
MD
LG