Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Lagu Helay Dambi ah Inuu Gubay Maqaayadda Jubba


Grand Forks Fire
Grand Forks Fire

Matthew Gust, oo 26- jir caddaan ah, ayaa lagu heley dambiyo la xiriira naceyb, kadib markii bishii Diseembar ee sanadkii hore 2015 gubey maqaayadda Jubba Café, ee magaalada Grand Forks ee gobolka North Dekota oo ay qoys Somaali Mareykan lahaayeen.

Ninkan ayaa waxaa lagu xakumay 15 sano oo xabsi ah.

War ka soo baxay waaxda caddaaladda Mareykanka ee dhinaca xaquuqda rayidka qaabilsan, ayaa lagu sheegey in Gust, uu ku kacay dambiyo ku saleysan naceyb.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa markii uu go’aankaasi soo baxay kadib, waxa uu khadka telefoonka ee Grand Forks kula xariirey Faadumo Cabdi Axmed, oo ah maamulaha ganacsi ee makhaayaddii la gubey, waxaana uu weydiiyay bal inay sharaxaad ka bixiso dhibaatadii marka hore soo gaartey xarruntooda ganacsi.

Go'aan laga gaaray kiiska Jubba Cafe
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG