Maraakiibta ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga iyo sidoo kale maraakiib kale oo ay leeyihiin hay’ado samafal ah ayaa xeebaha dalka Libya kasoo bad-baadiyay kumanaan qof oo ah tahriibayaal ah, kuwaas oo doonaya in ay soo gaaraan qaaradda Yurub.
Hadaba Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa dadkaasi la bad-baadiyay maanta iyo shalayba ka waraystay Shukri Siciid oo ka tirsan wargayska La-republica ee kasoo baxa Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ugu horraynna waxaa uu weydiiyay haddii dawladda dalkaasi ay si rasmi ah uga hadashay arrintan.