Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia: Heshiiska Berbera Waa Sharci Darro


Berbera Port
Berbera Port

Golaha wakiilada Somaliland ayaa dhawaan ansixiyay heshiis ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World oo lagu maalgalinayo dekedda magaalada xeebeedka Berbera.

Hesiiskan ayaa waxa uu ku kacaya malaayiin dollar.

Hadaba, dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay heshiiskaasi ka hadashay kuna tilmaantay mid sharci darra ah oo aaney dan Soomaalida ugu jirin.

Hanti dhowraha guud ee qaranka Soomaaliya Nuur Faarax ayaa arrintan uga waramay wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac.

Wareysi: Hanti dhowraha guud
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00

Dhinaca kale, Somaliland ayaa waxkama jiraan ku tilmaantay hadalka Hanti-dhowraha dowladda Somalia.

Wasiirka qorsheynta Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil ayaa VOA u sheegay in Somaliland ay ka madax banaan tahay Somalia, isla markaana ay heshiis walba la gali karto cidda ay doonto.

Weriyaha VOA Hargeysa, C/xakiin Shirwac ayaa wasiirka Qorsheynta Cali Xuseen wareysi la yeeshay.

Wareysi: Wasiirka Qorsheynta Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00

XS
SM
MD
LG