Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hillary oo Dooratay Madaxweyne ku Xigeen


Senatorka laga soo doorto gobolka Virginia ee ku yaalla duleedka Washington Tim Kaine ayaa Hillary Clinton waxay u xulatay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenk ee Xisbiga Dimoqraadiga ee kala qaybgelaya doorashada madaxtinimada Maraykanka ka dhacaysa bisha November ee foodda innagu soo haysa.

Qaar ka mida Dimoqraadiyiinta ayaa niyadda ku hayey in Hillary Clinton ay dooran doonto qof kale kaas oo soo jiidan kara taageerayaasha Bernie Senders.

Tim Kaine oo si wanaagsan ugu hadla luuqadda Spanishka ayaa wax ku bartay jaamacadda Harvard, isaga oo hawlo diimeed ka soo fuliyey dalka Honduras.

Arrimaha ay Hillary Clinton ku xulatay Kaine waxaa safka hore kaga jira, sumcadda uu ku leeyahay inuu u dhaqdhaqaaqo isla markaana u dagaalamo arrimaha khusaynaya Spanishka ah iyo guud ahaan shacabka Maraykanka, waxaana meelaha sida weyn loogu xasuusto ka mida, arrimaha la xidhiidha socdaalka, daryeelka caafimaadka, xuquuqda haweenka iyo deegaanka.

Mid ka mida saaxiibada ay sida weyn isu yaqaaneen Kaine ayaa sheegay inuu yahay qof furfuran oo aan u baahnayn inuu cid kale ku tiirsanaado, isla markaana isku kalsoon, haddiiba aad duulimaad dheer wada raacdaan ayuu yidhi, kama maqlaysid inuu kuu sheego xilka uu hayo ee Senatorka ama inuu hore Guddoomiye Gobol u soo noqday.

XS
SM
MD
LG