Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyaha BBG oo Loo Diiday Inuu Galo Ruushka


Jeff Shell
Jeff Shell

Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta ee BBG Jeff Shell, ayaa loo diiday inuu galo dalka Russia, waxaana la xiray dhowr sacaadood, markii uu isku dayay inuu socdaal shaqo ku tago magaalada Moscow, toddobaadkan.

Shell oo ah guddoomiyaha hay’adda BBG ee maamusha Voice of America, Radio Free Europe iyo warbaahinta kale ee dowladda Mareykanka, ayaa waxaa laga soo saaray safka dadka socdaalka ah, kadibnala xiray, markii uu cago dhigtay Moscow.

War qoraal ah oo kasoo baxay BBG ayaa lagu sheegay in Jeff Shell, oo sidoo kale ah madaxa NBC Universal, dhowr saacadood lagu xiray qol. Waxaa kadib saraakiisha ammaanka ee Russia ay u galbiyeen duulimaad u qaaday magaalada Amsterdam.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Shell ay saraakiisha ammaanka u sheegeen in diiditaanka loo didiay inuu galo dalka Russia uu yahay mid socon doona inta noloshiisa ka harsan.

Shell looma sheegin wax sabab ah oo ku saabsan sababta loo xiray, sida ay sheegtay BBG. Saraakiisha haya’dda ayaa maanta la kulmay safiirka Mareykanka ee Moscow John Tefft, si ay arrintan ugala hadlaan.

Arrintan oo dhacday talaadadii, ayaa imaneysa xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa Washington iyo Moscow.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa toddobaadkii tagay sheegtay in laba diblomaasi oo Russian ah laga ceyriyey Mareykanka, ayada oo looga jawaabayo markii booliiska Msocow ay diblomaasi Mareykan ah ku weerareen bannaanka safaaradda Mareykanka ee Moscow.

XS
SM
MD
LG