Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Britain Tony Blair, ayaa la sheegay inuu buun buuniyay muhiimadda dagaalkii uu dalkiiisu ka qayb galay ee lagu qaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, kaasi oo xukunka lagaga riday madaxwaynihi hore eee Ciraaq Saddaam Xuseen.
War bixin lagu soo bandhigay baaritaano lagu sameeyay dagaalkaasi, ayaa lagu sheegay in xogihii sirdoonka ee xilligaasi la helay oo sheegayay in madaxweynahii Ciraaq uu haystey hubka wax gumaada ay ahaayeen kuwo aan la hubin oo aanay ahayn in lagu go'aan qaato, lana sameeyo duullaan military. Sidoo kale, waxay su'aalo dhawr ahi ka taagan yihiin sharci ahaan shaha duullaankaasi oo illaa iyo haatan riiqdiisii laga dareemayo gobolka oo dhan. Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan iskugu keen soo duday.