Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Askari Dilay 32 Jir Madow Mareykan ah


Askari boolis ah ayaa si arxan darro ah u diley nin madow Mareykan ah habeenkii Arbacada, xilli uu gaarigiisa ku safrayay gudaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Saaxiibbada iyo qoyska dhibbanaha, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Philando Castile, uu ahaa 32 jir, ahaana shaqaale iskuul.

Haweeney iyo ilmo 7 sana jir ahaa oo gaariga la saarnaaa dhibbanaha, ayaa loo kaxeeyay saldhigga booliska.

Video la soo dhigay baraha bulshada ay ku kulanto ee online-ka oo uu dil ka muuqdey, ayay boolisku xaqiijinin in ay aheyd dhacdadii lagu dilay Castile.

Muuqaalka, ayaa waxa uu ku billaabanayaa dhibbanaha oo dhiig ka qubanaya, islamarkaasina fadhiya kursiga gaarigi uu la socdey. Warar ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu Castile joojiyay, kadib markii uu ku eedeeyay sharci jabin xagga gawaari wadista ah.

Waaxda booliska St. Anthony, Minnesota, oo iyadu maamusha deegaanka Falcon Heights oo ah halkii uu dilka ka dhacay, ayaa waxay baahisey warbixin ay ku sheegtey in booliskii dilka geystay su’aalo la weydiinaayo.

Waxay waaxdu sidoo kale sheegtay in askariga la siiyay fasax shaqo inta ay socoto baarista, markaas oo uu mushaarkiisu uu weli u socon doono.

XS
SM
MD
LG