Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo Maraykanka Fariin u Dirtay


Afghan Taliban
Afghan Taliban

Madaxa cusub ee ururka Taalibaan ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu soo afjaro wuxuu ugu yeeray xoogga uu ku heysto, isagoo sheegay in xoogagga islaamiyiinta ee kacdoonka ka wada dalkaasi ay ka go’antahay inay ka badbadiyaan Afghanistan wuxuu ugu yeeray “Waxyeelada kuwa aan Muslimiinta aheyn ee Khiyaanada ku haya.

Mullah Hiba-tullah Akhun-dazada ayaa hadalkan oo uu ugu talagalay munaasabadda ciidda jeediyay maanta oo Sabti ah.

Waxa uu sheegay in Mareykanku aanu mugdi gelin karin – ka go’naanshahooda iyo halkgankooda jihaad – si kasta oo uu muddo kororsi u sameeyo ciidamadiisa jooga Afghanistan.

Hibatullah ayaa hadalkaasi uga jawaabayay – go’aanka Madaxweyne Obama uu ku gaaray inuu kordhiyo duqeynta cirka ee ka dhanka ah Taliban iyo in ciidamada Mareykanka la geeyo furimaha dagaalka marka loo baahdo si ey u caawiyaan ciidamada Afghanistan si ey uga adkaadaan xoogagga ka soo horjeeda.

Mullah Hibatullah ayaa la wareegay hogaanka Taliban maalmo un ka dib markii duqeyn ay fulisay dayuurad Daroon ah oo uu Mareykanku leeyahay lagu qaarajiyay bishii May 21keedii gudaha dalka Pakistan -hogaamiyihii Taliban- Mullah Akthar Mansoor.

XS
SM
MD
LG