Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feeryahankii dunida ugu caansana ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona.
Maxamed waxaa Khamiistii la dhigay cisbitaal, isagoo xanuun ka haleelay haleelay dhinaca neefsashada.
Maxamed Cali Kalaay waxaa in kabadan 30 sano hayay cudurka Laleemada oo ah cudur dadka xasuusta ka lumiya loona yaqaan Parkinson.
Maxamed Cali Kalaay wuxuu ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucy, wuxuuna diinta Islaamka qaatay 1964-tii.
Maxamed Cali Kalaay da''diisu waxay ahayd 74, wuxuuna muddo saddex jeer ku guuleystay horyaalka dhinaca feerka ee miisaanka culus.