Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Dhaleecayn u Soo Jeediyey Maraykanka


Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa muujisay inaanay ku qanacsanayn dhaleecaynta ku xusan warbixin sannadeedka ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Maraykanka kaas oo ay sheegeen in si khaldan loo soo bandhigay horumarka milateri ee dalkaasi gaadhay.

Warbixinta ay soo saartay wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa loo gudbiyey maalintii Jimcaha Golaha congresska Maraykanka, taas oo lagu sheegay in Shiinuhu diiradda saaray inuu horumariyo isla markaa hub badan geeyo jaziiradaha laga dhisay biyaha lagu muransan yahay ee badda koonfurta shiinaha.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay keeni karto inay awood u yeeshaan inay maamulaan badda gobolkaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Shiinaha oo lagu magcaabo Yang Yujun ayaa u sheegay wakaaladda Wararka Shiinaha in warbixinta Maraykanka eek u aaddan Milateriga Shiinuhu ay tahay mid lagu ceebaynayo siyaasadda difaaca ee shiinaha .

XS
SM
MD
LG