Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Milatariga Ururka Xizbullah Oo La Dilay


Mustafa Badreddine
Mustafa Badreddine

Kooxda Xizbullah ee dalka Lebanon ayaa sheegtay in taliyihii ugu sarreeyey ee miltarigeeda, Mustafa Badreddine lagu dilay dalka Syria.

Bayaan ay soo saartay kooxda Xizbullah, oo laga aqriyey taleefishin ku yaalla dalka Lebanon ayaa lagu sheegay in Badreddine oo ahaa 55 jir lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay Israel.

Israel weli ma aysan xaqiijin jiritaanka weerarkan diyaaradeed.

Badreddine ayaa ahaa taliyaha milatariga Xizbullah, tan iyo sanaddii 2008.

Waxa uu ka mid ahaa afar nin oo ayaga oo maqan lagu eedeeyey khaarijintii sanaddii 2005 ee ra’iisul wasaarihii hore ee Lebanon Rafik Hariri iyo 21 qof oo kale.

Maxkamadeyntiisa ayaa sanaddii 2014 waxa ay ka billaabatay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee magaalada Hague ee dalka Holland, halkaasi oo weli ay ka socoto.

Xizbullahi waa ay beenisay inay ku lug lahayd weerarkii lagu dilay Rafik Hariri.

XS
SM
MD
LG