Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ayaa walaac ka muujinaya go’aan cusub oo ay dhawaan soo saartay dowladda Norway oo ay sharciyada degenaanshaha dalkaas ku weyn karaan.
Dowladda Norway waxa aysheegtay in Soomaalida megangalyada ku galay dalkaasi ee sharciyada ku qaatay ay ka fiirsaneyso inay degenaansho siiso ama u cusbooneysiiso sharciyaddii megan galyo ee ay dalkaa ku joogeen.
Wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arintan ka wareystay Cumar Cabid Afey oo bartay culuunta siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, ahna wariye madax banaan oo ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway.