Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Ciidamo Dhul ah Uma Direyno Syria


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegaya in uusan ka fakarrynin in uu ciidamo xagga dhulka ah u diro dalka Syria, waxaana uu sheegay in ay u baahan tahay wax ka badan dadaal militari si xal loogu helo dhibaatooyinka ka taagan dalka.

Waxa uu sheegay in ay khalad ku noqoneyso Maraykanka ama Britan in ay ciidamo dhinaca dhulka ah u diraan dalkaasi oo ay xilka ka tuuraan Bashaar al-Asad. Obama ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu la yeeshay television ay BBC-du leedahay

Obaba ayaa ku tilmaamay dagaalka ka jira dalka Syria xaalad niyad jab leh oo aad u adag.


XS
SM
MD
LG