Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada New York oo Maanta Dhaceysa


Cod bixiyayaasha gobolka New York ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashooyinka musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga.

Cod bixiyayaasha gobolka New York ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashooyinka musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiyada dimoqraadiga iyo jamhuuriga.

Ra’yi uruurinta doorashada ka hor la qaaday ayaa muujineysa in Hillary Clinton oo Dimoqraadi ah iyo Donald Trump oo jamhuuri ah ay ka horreeyaan kuwa la loomaya.

Guul weyn oo ay ka gaarto doorashadan, ayaa waxa ay xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka kusii dhoweyn doontaa inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee xisbi ka dhisan Mareykanka u matasha doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale, guul uu ka gaaro New York, ayaa ganacsade Trump waxa ay sare usii qaadi doontaa rajadiisa ah inuu ku guuleysto musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ka hor kulanka guud ee xisbiga Jamhuuriga ee bisha July.

Clinton iyo Trump, ayaa labaduba xiriir qota dheer la leh New York. Clinton oo gobolka soo degtay ayaa laba mar ku guuleysatay doorashada aqalka senate-ka oo ay halkaas uga tartantay, halka Trump uu ku dashay gobolka, ganacsiigsana ka abuuray.

XS
SM
MD
LG