Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo ka Hadashay Doorashadii Djibouti


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Dowladda Maraykanka ayaa shacabka Djibouti ku ammaantay sida nabad ah ee ay uga qeybgaleen doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Djibouti Jimcihii la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in inkastoo doorashooyinku ay muhiim u yihiin bulshooyinka dimoqraadiyada ku dhaqma, haddana dimoqraadiyad sidoo kale lagu dhiso aas-saaska sharciga iyo kala danbeynta, xorriyada madaniga, iyo doodaha siyaasadeed ee furan ee dhexmara dhinacyada.

Maraykanka ayaa sheegay inuu ku boorinayo dowladda Djibouti inay taageerto xorriyadaha shirarka nabadeed, urur, iyo fikradaha dhammaan dadka rayidk ah ee Djhibouti.

Maraykanka wuxuu sheegay inuu xiriir xooggan uu kala dhaxeeyo Djibouti, uuna rajeynayo inuu sii kordhiyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo in dadka Djibouti laga gacan siiyo inay sameystaan barwaaqo badan, aamin iyo dimoqraadiyad mustaqbalka.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay fiiro gaar siinayso hadallada ay soo gudbiyeen IGAD, iyo ururada kale iyo soo jeedinta ururka Midowga Afrika ee ku aadan kor-u-qaadida hannaanka doorashada mustaqbalka Djibouti, wuxuuna Maraykanku sheegay inuu rajaynayo inuu Dowladda Djihouti uu kala shaqeeyo sidii soojeedimahaasi kor loogu sii qaadi lahaa.

XS
SM
MD
LG