Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ashton Carter oo Dalka India Booqanaya


Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Ashton Carter ayaa tegey dalka Hindiya halkaas oo uu kulano kula qaadanayo masuuliyiinta dalka Hindiya, waxana labada dhinac ay ka wada xaajoonayaan iskaashi ballaadhan oo dhinaca milateriga ah.

Carter ayaa eegaya sidii kor loogu qaadi lahaa qalabka casriga ah ee dhinaca difaaca iyo iskaashi kale oo dhinaca ganacsiga ah oo dhexmara labada dal, waxaana arrimaha uu doonayo in kor loo qaado ka mida xidhiidhka tooska ah ee dhexmari kara labada ciidan iyada oo ay isla gaadhi doonaan heshiisyo

XS
SM
MD
LG